Sheekh Shariif oo qabtay shir jaraa’id oo ka duwan dalabkii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si dabacsan uga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, marka loo eego mowqifka Midowga Musharaxiinta uu qeybta ka yahay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in tallaabadii shalay awood ciidan loogu adeegsaday Rooble uu aad uga xun yahay, taasi oo ku tilmaamay mid sax aheyn oo ka weecatay sharcigii iyo dhaqankii wanaagsana ee dowladnimada.

“Marxalada hadda la jooga waa marxalad aad u xasaasi ah oo ay tahay in awoodeena iskugu geyno dhameystirka doorashooyinka, lana saxo khaladaadka ka jira iyo mugdiga, taas waddo aan aheyn oo furan majirto, wado kasta oo taas kasoo harta waxay horseedi kartaa burbur iyo dhibaato, diyaarna uma aha dadka Soomaaliyeed inay galaan mugdi siyaasadeed iyo dhiig daata,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray inay muhiim tahay in ciidamada qaranka aan loo adeegsan dano siyaasadeed gaar ah oo ay dhowraan sharciga iyo dowladnimada, ayna ka fogaadan in si qaldan loo adeegsado.

Shariif ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ugu baaqay in uu joojiyo carqaladeynta doorashada iyo sida qaldan uu u adeegsanayo ciidanka Qaranka, islamarkaana uu Ra’iisul Wasaaraha ku garab siiyo dhameystirka doorashada.

“Dadka Soomaaliyeed waxay kuu muujiyeen kalsooni oo waxay ku siiyeen codkoodi, intii karaan ahna waa lagula shaqeeyay, doorashada hadda socota qeyb ayaa ka aheyd oo adaa hogaaminayay, adoo raali ah ayaa baarlamaanka hortiisa ku wareejisay Ra’iisul Wasaaraha, marka waxaa ku leenahay u daa Ra’iisul Wasaaraha shaqadiisa ha ka fara-gelin. Dadka Soomaaliyeed ayada oo xiligaagii dhamaaday inay kula shaqeeyaan oo ka aamusan ayey goosteen, ha ku darsin in cid kale sharci darro uga qaado xafiiska.”

Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ku fara adeegan sharciga iyo doorashooyinka, meelna uga soo wada jeestan cid kasta oo rabta dariiqa ka duwan.

“Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, waxaa banaanka jooga dad badan oo kulamid ah oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada aalabka sida ha u adeegsan siyaasadda oo in badan aad soo sameeysay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ku siiyan shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho nabdoon oo xilka u sareeya ee dalka lagula kala wareego.

Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa aad uga dabacsan midkii Midowga Musharaxiinta ay maanta soo saareen, kaasi oo ay ku dalbeen in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: