Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha ATMIS ay uga baxayaan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan qorshaha ka bixitaanka ATMIS (ex-AMISOM) ee Soomaaliya.

Danjire Larry Andre ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageersan tahay qorshahan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim ah oo u baahan isku-dubarid iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah, si loo dhameystiro guulaha nabada iyo amni kusoo dabaalida dalka.

“Waa muhiim qorshaha kala guurka ee xiliga ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay kala wareegayaan amaanka dalka, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayna amniga la wareegto dowladda dhamaadka 2024-ka,” ayuu yiri.

“Waxaa loo baahan yahay qorshe iyo isku-dubaridid howlahaas oo wada-jir ah oo si wanaagsan la iskula shaqeeyo ayna AMISOM door muhiim ah ay ka ciyaarto sidii loo dhameystiri lahaa guulihii nabadda iyo amni kusoo dabaalida ee qorshuhu ahaa ayaga oo tallaabo kasta la kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Mareykanka uu taageero ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gaarka u ah dowlad-goboleedka, ayna ka go’an tahay joogteynta howl-galada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

“Waxaa siina tababaro iyo qalabeyn intaba sidoo kale waxaa wada-shaqeyna dhamaan ciidamada qeybahooda sida ciidanka Gorgor oo iyagana tababareen Turkiga, si guud ahaan ayaa u horumarinayna ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya nooc walba oo ay yihiin.”

“Meelaha aan ka caawino waxaa kamid ah sida saadka iyo qorsheynta, sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah taageerada ciidanka qalabka sida, Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ayaa door muhiim ah ku leh garab istaaga ciidanka.”

Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.