Sawirro: Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxda dalalkan oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa waxaa garoonka ugu tegay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, si ay usoo dhaweeyaan.

Sidoo kale madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Kenya iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo mid mid usoo gaaray Muqdisho ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka.

Intaas kadib madaxdan ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ku marti qaaday magaalada Muqdisho oo ay uga qayb-galayaan shirweyne caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan madaxda dalalka dariska ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha saddexda waddan ee lagu soo dhaweeyay Xamar ayaa u mahadceliyay dowladda federaalka iyo shacabka, waxayna sidoo kale boggaadiyeen dadaalada ay wado dowladda dhexe ee ku aadan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maanta la xiray dhaq-dhaqaaqa waddooyinka caasimada iyo sidoo kale garoonka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee dhici kara inta uu socdo shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la filayaa in goordhow uu furmo shirkan oo looga arrinsanayo amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda maraya meel adag, kadib markii ay laba jibaartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb-galaya wasiirada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee waddamadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Arrimaha kale ee shirka lagu gorfeyn doono waxaa kamid ah howlgalka ATMIS oo haatan maraya gabagabo waxana madaxdu ay isla eegi doono qorshaha kala guurka ee howlgalka.

Si kastaba, shirka ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.