Mareykanka oo dalab culus hordhigay madaxweyne Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa war qoraal ah kasoo saartay khilaafka ka taagan doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland, taasi oo hadda ay xiisad xooggan ka taagan tahay.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda ayaa lagu soo dhaweeyey doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland qorsheynayso inay ka dhacdo 37 degmo, doorashadaas oo ah mid heer deegaan ah.

Sidoo kale, qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka ayaa madaxweynaha Puntland Saciiid Cabdullaahi Deni loogu baaqay inuu qabto doorasho loo dhan yahay, islamarkaana ay isku raacsan yihiin qeybaha kala duwan ee maamulkaas.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa safiirrada beesha caalamka ee shalay booqday magaalada Garoowe, halkaas oo ay kula shireen madaxda Puntland, iyagoo kala hadlay arrimaha doorashada iyo ka go’naanshahooda.

Beesha caalamku waxay sheegtay inay taageerayso dimuqraadiyada Puntland, inkastoo maamulada Puntland ay ku fashilmeen labo jeer oo hore, haddana uu walaac xooggan ka taagan yahay marka loo eego muddada u hartay maamulka Siciid Deni.

Siyaasiyiin caan ah oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo ra’isul wasaarayaal hore ayaa sheegay in madaxweyne Deni oo ku howlan yahay qorshe muddo kororsi ah.

Saciid Deni oo ku fashilmay doorashadii madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu doorashada qof iyo cod ka leeyahay muddo kordhin, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid qalqal gelineyso xasiloonida siyaasadeed ee maamulkaas.