Daawo: Xildhibaan cusub iyo ciidan uu hoggaaminayo oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanayo abaabulka beelaha iyo ciidamada loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Shabeelalda Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya inuu dagaalka ku biiray xildhibaan kale iyo ciidamo badan oo uu hoggaaminayo/

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda beesha Kabaale ee Wacbuudhan Abgaal, ayaa gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaya ciidamo Militari ah oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si toos ah ugu biiray dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab ee ka curtay deegaanada maamulka HirShabelle.

“Anagoo fulineyno baaqii madaxda sare ee dowladda waxaan si rasmi ah ugu biirnay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeyb ka noqon doonaa xoreynta deegaanada maamul goboleedka HirShabelle,” ayuu yiri xildhibaanka.

Ciidamadan ayaa ka mida kuwii uu danbeeyay ee laga abaabulo magaalada Muqdisho, kuna biira dagaalka Al-shabaab oo abaabulkii ugu danbeeyay iyo howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa cadadadis xoog leh oo uga imaanayo beelaha Soomaaliyeed iyo dowladda dhexe, waxaana markaan ku furmay dagaal jihooyin kala duwan ah.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in howlgallo xooggan oo ka dhan ah AS ay ka socdaan deegaanno ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan si la isugu xiro degmooyinka muddada fog isu socodkoodu xayiran.

Guudlaawe waxa uu sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhowaan billawday isaga oo intaas ku daray in ciidamada ka howlgallaya Hiiraan ay kahortagi doonnaan.