Wararkii ugu dambeeyey guulaha laga gaaray howlgalka ka socda gobolka Sh/Dghexe

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada huwanta.

Ciidamadan oo uu horkacayp, xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa gudaha u galay deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay saaka la wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey oo u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo degmada Raaga Ceele oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineyso ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, inta laga xoreynayeo guud ahaan deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamada ay isku ballaariyeen goobaha ay qabsadeen, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka socda abaabulkii ugu xooganaa ee ka dhan ah  kooxda Al-Shabaab, waxaana horkacayam madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe, balse deegaan ahaan kasoo jeeda gobolkaas.