‘Mid ka mid ah odayaasha’ AL-SHABAAB oo la qabtay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ayaa shalay galab soo bandhigay nin oday ah, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha Al Shabaab.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii ciidamadu ay shalay subax weerareen deegaanka Xalfooley, oo hoostagga Degmada Jalalaqsi, kuna dhow xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Korneyl Nuur Dheere oo ka mid ah Saraakiishii hawlgalka hoggaaminaya iyo ciidamadu uu watay ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi odayga ah iyo gaari uu watay.

Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa sheegtay in ciidamadu ay jidka u galeen gaadiid ay la socdeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna dagaalka ku dileen 10 ka mida maleeshiyadaasi, sidoo kalena ay gubeen mid ka mida gaadiidkii ay wateen.

SONNA ayaa ku warantay in ciidamadu ay halkaasi ka wadaan hawlgalo lagu dhameystirayo maleeshiyadii ku firxatay duurka.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo guda galay wejigii ugu dambeeyay gulufka ay tahay in lagu soo afjaro Shabaabka Gobolka Hiiraan.