Xubno kale oo Al-Shabaab ah oo la dilay iyo wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ururka 8-aad guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-galo ka dhanka ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Fanax gobolka Hiiraan.

Howl-galkaan ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Kumaandooska ay bartilmaameedsadeen xubno Shabaab ah oo mararka qaar lagu arki jiray tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax ee gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howl-galkaas lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib dagaal kooban oo ciidamadu kula galeen dagaal-yahaanada Shabaab aaga deegaanka Nuur Fanax.

Waxay sidoo kale sheegeen inay ciidamadu sii wadi doonaan howl-galada lagu bartilmaameedsanayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, illaa inta deegaanada gobolka laga ciribtirayo kooxda argagixisada ah.

Howl-galkaan lagu dilay xubnaha Shabaabka ah ayaa kusoo aadaya ayada oo maanta ciidamada huwanta ay sheegteen in deegaano hor leh ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu si habsami leh u socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda.