Mareykanka oo dib u bilaabay duqeymihiisii Soomaaliya iyo xubno maanta la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaaciyey in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Shan xubnood ayaa la xaqiijiyey in duqeyntaas looga dilay argagixisada Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.”

Duqeyntaan waxay dhacday Jimcihii maanta, xilli ay xubno ka tirsan Al-Shabaab isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada qaranka iyo la howlgalayaashooda oo ku sugnaa meel u dhow Beerxaani oo 40 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa dib loo soo celiyey duqeymihii ay wajihi jirtay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay joogto u fuli jireen ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan. Maalin kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynaha Mareykanka ciidamadiisa ku amray inay dib u bilaabaan howlgalkoodii la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhankooda Al-Shabaab dhibaato badan ayey ku qabaan duqeymaha ay u geystaan diyaaradaha Mareykanka, sida ay horay u sheegeen xubno ka soo goostay ama dagaallo looga qabtay kooxda, waxayna mararka qaar ka quustaan inay gaadiid isticmaalaan.