Xarunta gaadiidka booliska ee Muqdisho oo si la-yaab leh qarax loogu weeraray caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa caawa si la-yaab leh loogu weeraray qarax lagu tuuray iridka hore ee xaruntaasi oo ay degan yihiin booliska Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa waxaa laga dhex tuuray mid ka mid ah saddax Bajaaj oo hab farsamo cajiib ah u adeegsaday fulinta qaraxa oo lagu dhuftay iridka laga galo xarunta.

Kooxda qaraxa gaysatay ee saarnaa Bajaajta ayaa waxay is soo daba dhigeen saddex mooto Bajaaj si aan loo aqoonsan mida laga dhex tuuray maadaama xili habeen ah ay aheyd, waxaana kadib la tuuray bamka.

Kooxdii ayaa ku baxsadat isla mooto bajaajtii ay saarnaayeen. Kadib qaraxa ayaa ciidamadii ku sugnaa ay rasaas xoogan fureen, balse lama sheegin cid wax ku noqotay

Wadada hor marta ayaa qaraxa kadib dhagxaan culus lagu gooyay, iyadoo agagaarka xarunta la xiray, taasoo sababtay inaan wax badan laga ogaan khasaaraha qaraxa geystay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkasta oo inta badan qaraxyada Muqdisho ay fuliso kooxda Al-Shabaab. Taliska booliska ayaan sidoo kale weli wax war ah kasoo saarin qaraxa.

Gaadiidka isticmaala wadadaasi oo halbowle u ah isku xirka degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis iyo Xamar Weyne.