Mareykanka oo farriin culus iyo digniin u diray Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta fariin culus oo la xiriirta doorashada dalka u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee dalka.

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ugu baaqday madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay maanta soo saartay qoraal ay ku diidan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dhinac ah iyo kuwa is-barbar socda.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageereyso inay shir isugu yimaadaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.