Daawo: Xildhibaan Jeesow: “Maanta waxay iila mid tahay anigoo jooga buurtii Uxud”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeesoow ayaa maanta ka qeyb-galay banaanbax lagu taageerayay 13-kii Kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sarre, kaasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Jeesoow ayaa sheegay in kuraasta gobolka Banaadir loo soo maray rafaad badan, taasi oo uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay madaxweyne Farmaajo, kadib markii golaha uu meel-mariyay.

Xildhibaanka oo ku dheeraaday marxaladihii loo soo maray matalada gobolka Banaadir ayaa ugu mahad celiyay cidkasta oo kasoo shaqeysay in gobolka uu Aqalka sarre ku yeesho 13-kursi.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gobolka Banaadir uu doorkan helo metelaad dhab, kadib dadaal dheer oo loo huray in kuraastaas uu helo.

“Maanta aniga waxay iila mid tahay anigoo Buurtii Uxud jooga oo cibaadeysanaya xaqiiqatan, berkee waxaa noo dhashay wax aan muddo badan ku taameynay oo habeen iyo maalin aan usoo jeednay ayaa maanta noogala dhabeeyay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in metelaada gobolka ay cadow badan ka hor istaageen inay dhaqan gasho, wuxuuna ku booriyay shacabka gobolka Banaadir inay ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray “cadowga diidan metelaada gobolka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

Arrinkaan ayaa imaneya iyada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, maadaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

Hoos ka daawo Jeesow