Mareykanka oo GEELLE ku cadaadinaya inuu tallaab ka qaado Maxamed Aw-Siciid

Jabuuti (Caasimada Online) – Wargeyska The Indian Ocean, ayaa sheegay in Sirdoonka Maraykanku eedo culus ku soo oogeen ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah guddoomiyaha shirkadda Somcable, islamarkaana hadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle cadaadis culus lagu saarayo in uu arrintaasi wax ka qabto.

Cadadka Wargeyska ee soo baxay 31-August, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid badhtanka u fadhiyo eedaymo ku saabsan ka ganacsiga hub sharci darro ah. “.Sida la sheegay Sirdoonka Maraykanku waxay dawladda Jabuuti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Somaliland ee Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada koowaad ee Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa si qayaxan loo waydiistay in uu si aan habsan lahayn wax uga qabto dhibaatadan,”. Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska The Indian Ocean.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in arrintani dhaawacday sawirka ama sumcadda ganacsade Maxamed Siciid Geeddi ku leeyahay Jabuuti iyo sida oo kale xidhiidhka uu la leeyahay Marwada koowaad Khadra Maxamuuud Xayd. Waxaanay warbixintu sheegtay in Ameerikaanku sheegeen in ay caddayn u hayaan eedaha ay ku soo ooggeen ganacsade Ina Aw-Siciid.

Warbixintu, waxay intaas ku dartay in ganacsade Maxamed Aw Siciid meesha uu gabaad ka dhiganayaa noqon doonto  Somaliland si la mid ah sidii uu yeelay Axmed Cismaan Geelle, madaxa shirkadda SBI oo sanadkii 2017 dawladda Jabuuti u jartay waaran lagu soo qabanayo markii khilaaf soo kala dhex galay Jabuuti.

Wargeysku wuxuu sheegay in haddii eedahan cusub rumooban uu ganacsiga Ina Aw Siciid halis galayo. Waxa uu sheegay in ganacsadahan oo bahwadaag la ah Dahabshiil hadana uu dhammaystirayo xadhigga Febric Optic ee Jabuuti iyo Somaliland, islamarkaana Berbera ka dhisayo xarun weyn oo dhanka isgaadhsiinta ah siiba xadhigga isgaadhsiinta ee badda hoosteeda mara.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Ganacsadahani sii haysan doono khadka isgaadhsiinta Febric Optic oo kooto ugu xidhan maaddaama uu si weyn u soo taageeray Madaxweyne Biixi xilligii ololaha, islamarkaana ay yihiin isku beel iyo isku degaan.

Warbixinta Wargeyska Indian Ocean waxay imanaysa iyada oo todobaadadii la soo dhaafay warbixin ay soo saartay xarunta falanqaysa mushkiladaha ee EXX Africa lagu sheegay in Jabuuti xarun u noqotay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Yemen oo la sii dhex-mariyo Somaliland laga na soo galiyo gobolka Awdal. Eedahaas oo salka ku hayay in hubkaasi la gaadhsiiyo maleeshiyaadka ka dagaalama Geeska Afrika, kuwaasi oo uu markii dambe na uu si weyn u beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo boggiisa Twitter soo dhigay qoraalo dhawr ah oo uu ku baahiyey.

Geesta kale, Wargeyska Indian Ocean, waxa kale oo uu daabacay in dawladaha Somaliya iyo Kenya ay isku haystaan soo qabashada Fahad Yaasiin oo ah ku xigeenka Sirdoonka Somaliya oo dawladda Kenya u haysato arrimo khuseeya in uu dhowr baasaboor oo kala duwan uu ka qaatey dalka Kenya, waxaana arrintaas illaa hadda ku muransan oo isku af garan la’ wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com