Kulan maanta Kismaayo ka dhacay oo muujiyey in ay DF dalka marti ku tahay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa uu shir uga furmayaa hoggaamiyeyaasha M/Gobolleedyada oo halkaas isugu tagay.

Lama oga ajendaha looga hadli doono shirkaas, walow la sii odorosi karo waxyaabaha ay ka sheekeysan doonaan hoggaamiyeyaasha gobolada oo qaarkood mudaddii xukunkooda dhammaaday.

Iyada oo laga tusaale qaadanayo dhawrkii shir ee ay hore isugu yimaadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ma jirin wax nuxur leh oo ka soo baxay kulankooda oo aan ka ahayn war-murtiyeed ay ku xar xarriiqeen qodobo aan wax mano ah lahayn.

Hase ahaatee, kulanka Kismaayo ka furmayo oo ahayd halkii ay ku dhiseen waxa ay ugu yeereen iskaashatada Maamul Goboleedyada  waxa ka qeyb galay oo ay ku casumeen ergeyga gaarka ah ee Qarada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Hadaba, maxaan ka baran karnaa arintaas?

Marka hore, sameynta iskaashato Maamul Gobolleed oo siyaasi ah waa mid baal marsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Ma jirto meel ay Dastuurka uga caddahay in ay Goboladdu sameysan karaan is gaashaan buureysi liddi ku ah dowladda dhexe oo ay hoos tagaan, taas waxa ay la yaab ku noqotay bulshada Soomaaliyeed oo ay maskaxdooda ku dhalisay su’aalo badan oo aan jawaab lahayn.

Arinta ugu weyn ee uu banaanka soo dhigay kulankan maanta Kismaayo ka furmay kaddib markii lagu arkay Michael Keating waa in ay dowladda dhexe dalkeeda ku tahay marti, waayo, mar haddii ay Goboladdii sameysteen is bahaysi liddi ku ah dowladda oo ay u martay, hadana ay casumeen ergeygii gaarka ah ee Qaraamda Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya halkii uu ka cambaarey lahaa arintaas ka qeybgalay!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com