Mareykanka oo mowqif uu shaki ku jiro ka qaadatay xisada Saudi iyo Canada

Washington (Caasimadda Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu magacaabo  Heather Neuert ayaa muujisay  walaaca Washington ee ku aaddan xiritaanka dadka u doodo xuquuqul Insaanka ee lagu xiray Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa Maamulka Riyadh ku boorisay  hubinta in dacwad sharci ah loo heysto dadka la xiray iyo in loo cadaalad sameeyo.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa tiri “ Waxaan mar kasta tixgelineynaa xuquuqda Xuriyadda hadalka, waana arrin aan ka hadalno mar kasta oo lagu xadgudbo, waxaana hadda Sacuudiga kala hadalnay xariga loo geystay dadka u doodo xuquuqul Insaanka ,waana sii wadaynaa” .

Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka ayaa tilmaamtay inay si kasta iyo qaab kasta diyaar u tahay difaacidda Xuriyadda hadalka mar wax laga waydiiyey hadalkii Trump kasoo yeeray oo ahaa inaysan dowladiisa muhiimada koowaad u aheyn difaacidda Xuquuqul Insaanka.

Wariyaha Al-Jazeera uga soo hadlo Magaalada Washington Mohamed Ahmed ayaa sheegay arrinta ay soo faragelisay Wasaaradda Arrimaha Debadda inay tahay middii keentay inuu xumaado xiriirka dowladaha Sacuudiga iyo Canada.

Wariyaha Al-Jazeer ayaa sidoo kale sheegay inaysan Afhayeenka ka jawaabin su’aal  ay saxaafadda waydiiyeen oo aheyd haddii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo uu Boqorka Sacuudiga u sheegay in USA ay taageersan tahay mowqifka dowladda Canada.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan muuqan cadaadis xoog leh oo ay dowladda Mareykanka ku sareyso Sacuudiga inay sii deyso dadka ay xir xirtay ay u doodi jiray Xuquul  Insaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale meesha ka saartay in Dowladda Mareykanka wado dhex dhexaadin ay u sameeneyso dowladaha Sacuudiga iyo Canada.

Waxaa shaki la gelinayaa mowqifka Sacuudiga ee ku aadan Xiriirka xumaaday u dhaxeeyo dowladaha Canada iyo Sacuudiga waxayna warar aan la hubin sheegayaan inay Mareykanka garab taagan tahay Canada.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com