3 arrin oo hor taagan inuu Farmaajo saxiixo go’aankii BF ee heshiiskii Berbera?

Waxaa 5 bilood laga joogaa markii uu Baarlamanka Somalia diiday heshiiskii Berbera. Waxaa heshiiska diidmadiisa la daba dhigay inuu saxiixo madaxweyne Farmaajo kadibna ay xukuumada Kheyre gaarsiiso Dowlada Imaaratka. Arrintaas wali ma fulin.

Waxaa loo arkaa inuu amarkaasi ahaa dagaalkii sababay inuu is casilo gudoomiyihii Baarlamanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Xafiiska Farmaajo waxaa yaala waraaqo badan oo u baahan inuu madaxweynuhu saxiixo si loo fuliyo. Dadka isha ku hayay arrintaan ayaa sabab uga dhigaya saddex arimood oo is biirsaday dartood in loo saxiixi diiday go’aankii Baarlamanka.

Mowqifka Somalia ee dhanka Imaaratka ayaa is badalay waxaan arrintaan loo arkaa mida ugu weyn ee sababtay in aan la dhaqan galin mowqifka Baarlamanka, mida labaadna waxaa lagu micneeyay in madaxda sare aaney muhiim u arag xiligaan fulinta go’aankan.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ah ee ka tirsan Dowlada federaalka ah ayaa la sheegay iney iyaguna diideen in Somaliland gooni loo beegsado iyadoo aan wali waxba laga qaban dekada Boosaaso oo iyaduna ay maamusho shirkada DP world.

Saddexdaas arimood ayaa loo arkaa iney sababtay in go’aankii Baarlamanka ee bishii March uu dhaafi waayo xafiiska madaxweynaha.

Baarlamanka ayaa dib u furmi doona bisha soo aadan waxaana laga yaabaa in xildhibaanadu dib u keenan dood la xiriirta sababta uusan madaxweyne Farmaajo wali u saxiixin go’aankii Baarlamanka ee shirkada DP world.

Xigasho: Muqdisho Evening Post

Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.