Mareykanka oo soo rogay cunaqabateyn ka dhalatay xadgudubyadii gobolka Tigray

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii cunaqabateyn kusoo rogtay Jeneral sare oo Eritrean ah oo “xadgudubyo darran oo xuquuqda aadanaha ah” gaystay intii uu socday dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada taliye Jeneral Filipos Woldeyohannes, oo ah madaxa shaqaalada ee ciidamada qaranka Eritrea, ay mas’uul ka yihiin “xasuuq, bililiqo, iyo xadgudubyo galmo.”

“Ciidamada Eritrea waxay kufsadeen, jirdileen, oo khaarajiyeen shacab; waxay sidoo kale burburiyeen hanti, ayaga oo sidoo kalena bililiqeystay ganacsiyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Maaliyadda.

“Ciidamada Eritrea waxay si ula kac ah waddooyinka ugu toogteen shacab, waxayna fuliyeen baariutaano guri-ka-guri ah, ayaga oo dilay rag iyo wiilal, si qasab ahna qoysas Tigray ah uga barakiciyey guryahooda.”

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in hanti kasta oo Filipos Woldeyohannes uu ku leeyahay Mareykanka la xanibay, islamarkaana muwaadiniinta Mareykanka ay ka reeban tahay inay macaamil ganacsi la sameeyaan. 

“Waaxda Maaliyadda waxay sii wadi doontaa inay tallaabo ka qaado kuwa ku lugta leh xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dunida oo dhan, oo uu ka mid yahay gobolka Tigray ee Ethiopia,” waxaa sidaas yiri Andrea Gacki, Agaasimaha Xafiiska Maamulka Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

“Ficillada noocan ah waxay kasii darayaan xasaradaha dagaal iyo bani’aadaminimo ee socda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan ku boorineynaa Eritrea in si deg deg ah oo joogta ah ay ciidamadeeda ugala baxdo Ethiopia, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay billaabaan wada-xaajoodyo xabad-joojin, ayna soo geba-gebeeyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Gacki.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka weli ka socda gobolka Tigray uu sii xumeeyey xasaradaha bani’aadaminimo ee halista gelinaya nolosha boqolaal kun oo qof.