Kulankii musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo laba qodob la isku raacay (Aqriso)

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa caawa kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Golaha Midowga Musharaxiinta oo ka horyimid habraacyadii doorashada ee shalay kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlay habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda ugu weyn ee doorashada ay gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada.

Sida aan xogta ku heleyno kulankii caawa ayaa ahaa mid adag oo musharaxiintu ay diidmadooda ugu gudbiyeen madaxda dowlad goboleedyada go’aanka ay ka qaateen habraacyada looga heshiiyey doorashada.

Dood dheer kadib, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa Isku raacay:-

1- In qodobada doodda laga keenay ee habraaca doorashada loo xil-saaray guddi soo turxaan bixiya.

2- Inay sii socdaan kulamada looga hadlayo arrintaan, si xal looga gaaro tabashooyinka ay qabaan musharaxiinta diidan habraacyadii awooda doorashada u gacan geliyey madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay in kulankaan ay dalbadeen, kadib markii golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta qoraal ka soo saareen habraacyadii lagu heshiiyey ee doorashada.

Kulankaas kadib Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxd dowlad goboleedyada iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Kulankaan cashada ahaa ee ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay Muqdisho ayaa dhinacyada fursad u siiyay inay isla qaadaa-dhigaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga oo Musharaxiintu ay qaadaceen.

Habraacyadii ay shalay soo sareen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay inay si rasmi ah ula wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, kaasi oo ku jiro qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale, waana midda ay diidan yihiin mucaaradku, kadib cabsi la xiriirta in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.