Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Hiiraan iyo arrimo cusub oo kusoo kordhay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ku sugan magaadaas uu galabta kulan gaar ah la qaatay Ugaaska beesha Xawaade, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Wasiir Mukhtaar ayaa Ugaaska kala hadlay xal u helidda xiisadda ka laloosan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, si looga baaqsado isku dhacyo ka dhasha xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaanka, taas oo salka ku heysa diidmo maamul oo ka dhan ah hoggaanka HirShabeelle.

Ilo ku dhaw kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan uu wasiir Mukhtaar ka dalbaday in dowladda federaalka ay soo faro-galiso muranka maamul ee ka jira magaalada Beledweyne, si looga gudbo wax walba oo caqabad iyo dib u dhac u keeni kara shacabka reer Hiiraan.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jenaraal Mukhtaar ayaa la sheegay inuu Ugaaska Xawaadle ka balan qaaday in dowladda dhexe ay ka shaqeyn doonto sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Baledweyne, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo qancin lahaa cid kasta oo tabasho qabta.

Kulankii ay galabta Beledweyne ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar iyo Ugaaska Xawaadle ayaa dhacay saacado kadib markii Ugaas Yuusuf oo kaashanaya waxgaradka deegaanka uu ku guuleystay dejinta xiisadii ka dhalatay ciidankii gadoodsanaa ee xalay la wareegay magaalada.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Baledweyne oo maanta warbaahinta la haday ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya  Ugaaska Beesha Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay ku guuleysteen dajinta xaaladii kacsaneyd ee ka jirtay magaalada Baledweyne, kadib markii ay xalay la wareegeen ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo gadoodsan iyo cidanka Jeneraal Xuud.

“Waxaa shaki inooga jiraa in Hiiraan ay ka mid tahay gobollada Soomaalida, sababtoo ah madaxda dowladda way arkaan waxa ka jira Hiiraan, mana soo faragaliyaan, Ra’iisul wasaare Roobloow maxaa kaga soo uray Hiiraan? Waqooyi waad inoo dhaaftay. Koofur waad inoo dhaaftay, Dhuusamareeb waad tagtay, Baydhaba waa tagtay, Gedo waa tagtay oo Kismaayo waa tagtay, ee maxaad Baledweyne u imaan la’dahay, Rooblow waxaan kugu baaqaynaa inaad si deg deg ah u soo faragaliso arrinta Hiiraan, oo aadan indhaha ka fiirsan,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Cabdi Raaxooy oo u hadlay odayaasha reer Beledweyne.