SOMALILAND oo wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeynta wariye Cabdimaali Coldoon

Muqdisho (Caasimada Oline) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Muane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horyimid eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isagoo eedeymhaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

“Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno.

Wasiirka waxbarashada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan Diin aan aheyn tan Islaanka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha culus ee uu soo jeediyey Wariye Cabdimaalik Coldoon.

“Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo Diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ay Somaliland xabsiga dhigtay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.