32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Mareykanka oo soo rogay cunaqabateyn la xiriirta askarta Colombia ee Boosaaso la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay shabakad ay horboodayaan rag u dhashay dalka Colombia, taas oo lagu eedeeyey inay askar hore iyo xitaa carruur u qorteen ka qeyb-galka dagaalka sokeeye ee Suudaan, iyagoo garab siinaya Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah cadaadis la saarayo kooxdan (RSF) oo lagu eedeeyey inay xasuuq ka geysteen gobolka Daarfuur.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka, gaar ahaan Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC), ayaa liiska madow ku dartay afar shakhsi iyo afar shirkadood oo fadhigoodu kala yahay Colombia, Panama iyo dalal kale.

Waaxdu waxay sheegtay in shabakaddani ay isku xirtay daabulidda ciidamada calooshood-u-shaqeystayaasha ah iyo wareejinta dhaqaalaha lagu hurinayo colaadda RSF ay ka waddo Suudaan.

Liiska shakhsiyaadka la beegsaday waxaa hoggaaminaya Alvaro Andres Quijano Becerra, oo ah sarkaal hawlgab ah oo ka tirsanaan jiray ciidamada Colombia, iyo shirkaddiisa askareynta ee fadhigeedu yahay Bogotá oo lagu magacaabo International Services Agency (A4SI).

Sidoo kale, waxaa cunaqabateynta lagu daray shirkadda Global Staffing S.A. (oo hadda loo yaqaan Talent Bridge) oo laga leeyahay Panama, iyo shirkadda Maine Global Corp S.A.S. ee laga leeyahay Colombia, iyo xubno kale oo sar-sare oo xiriir la leh.  

Hanti kasta oo ay shakhsiyaadkan iyo shirkadahani ku leeyihiin meelaha uu gaaro xukunka Maraykanku waa la xayiray, waxaana muwaadiniinta Maraykanka laga mamnuucay inay wax macaamil ah la sameeyaan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Maaliyadda, boqollaal askari oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Colombia ayaa tan iyo bishii Sebteembar ee 2024 u safray Suudaan si ay u garab istaagaan xoogagga RSF.

Ciidamadan ayaa ka qeyb qaata dagaallada tooska ah, duqeymaha madaafiicda, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), halka qaarkood ay tababbarro siiyaan carruur la askareeyey.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in calooshood-u-shaqeystayaashan Kolombiyaanka ah ay ka qayb-galeen dagaallo culus oo ka dhacay Khartuum, Omdurman, Kordofan iyo El Fasher.

Xukuumadda Washington ayaa si adag ula xiriirisay RSF iyo maleeshiyaadka ay is-bahaysiga yihiin xasuuq wadareed, jirdil qowmiyado lagu beegsaday, iyo tacaddiyo kufsi oo baahsan oo ka dhacay Daarfuur.

Horraantii sanadkan 2025, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xubno ka tirsan RSF ay geysteen xasuuq iyo dambiyo kale oo bini’aadantinimada ka baxsan.

Xiriirka Soomaaliya iyo garoonka Boosaaso 

Baaritaanno ay sameysay shabakadda Middle East Eye ayaa iftiimiyay waji kale oo ay Soomaaliya ku leedahay masiibadan dagaal. Warbixinnada laga soo diray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari (Puntland) ayaa muujinaya in diyaaradaha xamuulka qaada ee noocoodu yahay IL-76 ay si joogto ah uga degayeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas tan iyo sanadkii 2023.

Diyaaradahan ayaa dejinayay konteenarro si aad ah loo ilaalinayo, kuwaas oo markii dambe dib loogu rarayay diyaarado kale oo u sii jeeda Suudaan.

Ilo-wareedyo ku sugan dekedda iyo garoonka, oo warbixinnadaas lagu xusay, ayaa sheegay in shixnadahani yihiin kuwo “transit” ah (sii-gudbaya), balse aanay ahayn badeecooyin loo soo waariday Puntland.

Xogta ayaa hawlgalkan la xiriirisay dalka Imaaraadka Carabta, oo ah taageeraha ugu weyn ee dhanka dibadda ee kooxda RSF.

Isla baaritaankaas ayaa daaha ka rogay xero ku taal waqooyiga garoonka Boosaaso oo la dejiyay calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay Colombia, iyadoo la hayo sawirro muujinaya rag ku hadlaya afka Isbaanishka oo ka degaya garoonka, kadibna si toos ah u galaya xeradaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhawaan Golaha Aqalka Sare ee Muqdisho u sheegay in dowladda dhexe ay ka warqabto duullimaadyada isaga kala goosha Boosaaso iyo Suudaan.

Tani waxay noqonaysaa qirashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee ka soo yeerta dowladda, taas oo xaqiijinaysa in magaalada Boosaaso ay qayb ka tahay marin ama buundo dhanka cirka ah oo sahayda lagu gaarsiiyo jiidda hore ee dagaalka Suudaan. 

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ujeeddada tallaabadan cusub ay tahay in la curyaamiyo cududda ciidan iyo midda dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin hawlgallada RSF.

Saraakiisha Maraykanku waxay rajeynayaan in beegsiga qorayaasha ciidanka iyo maalgeliyayaasha fadhigoodu yahay Colombia ay fariin digniin ah u diri doonto dhexdhexaadiyayaasha kale — laga soo billaabo Bogota illaa Boosaaso — taas oo ah in u adeegidda mashiinka dagaalka ee Suudaan ay ka dhalan karto cunaqabateyn culus.

- Advertisement -

Read more

Local News