Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andrรฉ ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa waxaa Washington ku casuumay hayโadda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation, oo ah hayโad siyaasad ahaan u janjeerta dhanka siyaasadda midigta. ย
Andrรฉ, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.
โMuuse Biixi, madaxweynaha gobolka Somaliland ee Soomaaliya, wuxuu Washington DC u booqanayaa si iskiis ah. Wuxuu la kulmi doonaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Afrika Molly Phee,โ ayuu yiri.ย
โWaan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan masโuuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,โ ayuu ku daray.ย
Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga goโan tahay.
โDowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,โ ayuu yiri.
โWaxaan suโaasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland inay goโaan ka gaaraan.โ
Muuse Biixi ayaa maanta khudbad ka jeediyey xarunta Heritage Foundation, hase yeeshee ma aysan joogin dad badan marka laga reebo dhowr qof oo ajaaniib ah, waxaana badanaa hoolka fadhiyey shacabka Somaliland ee ku nool aagga Washington.ย