Shir xasaasi ah oo caawa ka socda Villa Somalia iyo qorshe ka dhan ah Hawiye oo la dejinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah ayaa caawa xarunta madaxtooyada, gaar ahaan Villa Uganda uga socda madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Mahdi Guuleed, Lafta Gareen iyo Mahad Cawad, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Shirkan ayaa sida la sheegay looga hadlayaa ajendaha shir la qorsheeyey inuu 25-ka March ka dhaco magaalada Baydhaba, kaasi oo lagu dhigayo shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah beesha Hawiye.

Shirka Baydhaba ayaa markii hore u dhaxeeyey beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, balse waxaa caawa laga shirayaa in shirka laga soo qeyb geliyo Beesha Shanaad oo uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin, si loo ballaariyo isbaheysiga la rabo in looga dhawaaqo Baydhaba ee Dir, Digil iyo Mirifle.

Shirka Baydhaba ayaa markii hore qorshuhu ahaa in beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle ay sameysteen isbaheysi ujeedkiisu yahay in Hawiye iyo Daarood looga qaado xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay mar kasta helaan.

Hase yeeshee waxaa kadib soo baxday in ujeedka aanu taasi aheyn balse lagu hoos duugay qorshe la rabo in guddoomiyaha baarlamanka lagu siiyo qof kasoo jeeda Hawiye, si loo dhaafiyo xilka madaxweynaha taasi oo beesha Dir ay ka war heshay, waxaana ka shaqeynayey Lafta-gareen iyo Villa Somalia.

Shirqoolka shirka Baydhaba ayaa waxaa maanta kashifay wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

“Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Qorshaha ah in qof Hawiye ah laga dhigo guddoomiye baarlamaan ayaa doorasho kasta la isku dayaa balse fashilma, mana cadda haddii markan lagu guuleysan karo.

Farmaajo oo rajadiisa dib u doorasho ay tahay 0, ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro musharaxiinta madaxweyne ee Hawiye, taasi oo uu aamisan yahay in hadduu ku guuleysto uu xilka si fudud dib ugu qabsan karo.