Mareykanka oo war deg deg ah kasoo saaray dagaalka ka socda gobolka Tigray

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka dalkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in boqolaal qof lagu xasuuqay magaalo ka tirsan gobolka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”

Dagaalka gobolka Tigray ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in Ethiopia ay lugaha la gasho dagaal sokeeye.

Dagaalka ayaa durba sababay xaalad bani’aadannimo oo liidata, ayada oo 14,00 oo qof oo shacab ah ay ka qaxeen gobolka, islamarkaana u gudbeen dalka Sudan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa howlgalka militari ee gobolka Tigray amray 4-tii November, kadib markii uu ku eeedeeyey ciidamada TPLF inay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, TPLF waa ay beeniyeen eedeyntaas.

Madaxa xuquuqda aadanaha QM Michelle Bachelet ayaa ku baaqday baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo xasuuqa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Mai-Kadra, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inay ka dambeeyaan ciidamada TPLF.