Abiy oo bilaabay qorshe ka dhan ah saraakiisha Tigray-ga ee jooga gudaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ayaa billowday inay saraakiisha Tigray-ga ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ka saarto Soomaaliya.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Tallaabadan ayaa timid ayada oo toddobaad ka hor ay dowladda Ethiopia ka saartay Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ciidamo aan qeyb ka ahayn Amisom. Waxaa hadda soo baxeysa in ciidamadaas oo gaaraya 3,000.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa shaaca ka qaaday in dalalka Kenya iyo Jabuuti ay ka carroodeen tallaabada Abiy Ahmed, ayaga oo sheegay in qalalaasaha gudaha ee dalka Ethiopia uu xasilooni darro ka abuurayo Amisom.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa shaqada ka eryey madaxii amniga ee ururkaas, oo u dhashay dalka Ethiopia, kadib markii dowladda Abiy Ahmed ay ku eedeysay inuusan daacad u ahayn dalka.

Xafiiska guddoomiyaha ururuka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo saaray amarka shaqada looga eryey Gebreegziabher Mebratu Melese, kaasi oo ku taariikheysan 11-kii November.

Amarka lagu eryey Gebreegziabher Mebratu Melese ayaa yimid kadib markii wasaaradda gaanshaadhigga Ethiopia ay soo saartay warqad ay sidaas uga dalbaneyso ururka Midowga Afrika.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Midowga Afrika