Markab laga leeyahay Turkey oo lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha magaalada Muqdisho, sida uu Jimcihii sheegay Ururka Ganacsiga Badaha UK ee loo soo gabaiyo UKMTO.

Weerarka oo la rumeysan yahay inay fuliyeen kooxaha buracda badeedda Soomaaliya ayaa abaare 7:45 am Jimcihii, waxa uu ka dhacay meel 100-mile ka baxsan xeebta Muqdisho. 

Markabka ayaa lagu warramayaa inuu weerarka ka baxsaday, islamarkaana shaqaalaha iyo markabkuba ay hadda bad qabaan. 

Kooxda qiimeysa halista badaha ee EOS Risk Group ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in markabka oo sita calanka Turkey laga leeyahay gobolka Anatolia ee dalkaas. Si kastaba, Turkiga weli wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan.

Inkasta oo dhacdooyinka burcad badeenimo ee xeebaha Soomaaliya ay aad u yaraadeen sanadihii tagay, haddana waxaa jira weeraro si naadir ah mararka qaar u dhaca. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dhaca tan iyo bishii April ee 2019.

Sanadii 2011, ayaa ciidanka badda Midowga Yurub ee EU Naval Force waxay weriyeen in xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen 176 weerar, ayada oo lagu qabsaday in ka badan 25 markab. Hase yeeshee tiradaas ayaa eber noqotay markii la gaaray 2016.