Waa maxay ujeedka shirka Midowga musharraxiinta ee ka socda hoteelka JAZEERA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo la hadlay Caasimada oo  lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sida aan wanaagsaneyn ee ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha uu soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ee xaaladd dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sdhanka kale waxay ka warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro, taas oo soo dadajisay kulanka ballaaran ee haatan uga socda gudaha hotelka Jazeera.

Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen.

Si kastaba golaha midowga musharraxiinta oo aan muddooyinkii dambe yeelan kulamo siyaasadeed oo ballaaran ayaa la filayaa in shirkooda ay ka soo saaray go’aanno culus.