Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxiinta kuraas kale oo ka mid ah AQALKA SARE

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare ee ku harsanaa maamulkiisa.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey magacyada lix musharax oo ku tartami doona saddex kursi, waxayna kala yihiin oo ay isugu aadeen sidan:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed

Dhammaan lixda musharax ayaa ah kuwa cusub, wuxuuna Lafta-gareen meesha ka saaray saddexda Senator ee hadda ku fadhisay kuraastan kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Maamulka Koonfur Galbeed oo laga soo dooranayo sideed kursi ayaa waxaa horey loogu doortay shan Senator oo kala ah; Aadan Cabdinasir Maxamed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, Zamzam Ibrahim Cali, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Ayaan Aadan Cabdullahi.

Liiska cusub ee kasoo baxay Lafta-gareen ayaa ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doona kan labaad ee soo dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Puntland, oo dhammaan 11-kii xubnood ee Aqalka Sare uu ku lahaa soo doortay.

Waxaa la filayaa in guddiga doorashada heer gobol ee Koonfur Galbeed uu shaaciyo xilliga ay dhaceyso doorashada saddexdan kursi, waxaana la filayaa inay noqoto toddobaadkan gudihiis.