QATAR oo Washington ka furtay dacwad ka dhan ah Eritrea – Maxay isku hayaan?

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Qatar (QNB) ayaa maxkamad ku taalla magaalada Washington DC weydiistay inay amarto dowladda Eritrea inay bixiso lacag deyn ah oo gaareysa $300 oo milyan, kadib markii Asmara ay diiday inay ka jawaabto laba dacwad oo horey, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg.

Sida lagu sheegay warbixintan, Eritrea ayaa 200 oo milyan oo dollar ka amaahatay QNB oo ah Bankiga ugu weyn Bariga Dhexe ee deynta bixiya, sanadihii 2009 iyo 2010, waxayna soo celisay 45 milyan oo kaliya bishii May 2012.

QNB ayaa kadib dacwad ka furtay dalka UK sanadkii 2018, sida ku cad heshiiska. Garsoore ku sugan UK ayaa amray in Eritrea ay bixiso 253 milyan, oo ay ku jirto dulsaar, hase yeeshee Eritrea ayaa joojisay inay u jawaabto qareenada, sida warbixinta lagu sheegay.

Bankiga Qatar ayaa Talaadadii wuxuu go’aan ka codsaday xaakim federal Mareykan ah, isaga oo sheegay in dowladda madaxweyne Isaias Afwerki, oo dalkaas xukumeysay 28 sano, ay iska indho tirtay warqado sharci ah oo loo diray. 

QNB ayaa tuhunsan in Eritrea aysan u hoggaansameyn xukunada maxkamadda UK, ayna go’aansatay inaysan isku difaacin labada maxkamad ee UK iyo Mareykanka. 

Go’aanka maxkamadda Washington, ayaa u fududeyn kara Bankiga QNB inuu raadiyo kadibna la wareego hantida Eritrea ay ku leedahay caalamka, sida Bloomberg ay ku warrantay.