Lix arrimood oo uu Farmaajo awoodi waayey inuu xaliyo balse Rooble ku xaliyey 10 bil

Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taagan isgoys halis ah oo dhinac lama filaan ah u jiidi kara siyaasadda Soomaaliya.

Labada nin oo wada-shaqeynayey 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, dhowr arrimood ayey ku kala aragti duwanaadeyn oo ay ku jirto middii muddo kororsiga, xaaladda Gedo, la macaamilka mucaaradka, iyo sida loo soo celinayo cilaaqaadka dalalka xiriirkooda la xumeeyey intii uu Farmaajo dalka madaxweynaha ka ahaa.

Rooble oo u muuqday inuu ahaa siyaasi xasiloon ayaa kooxda Farmaajo waxay u muujisay hab dhaqan siyaasadeed oo xurmo la’aan ah, taasoo keentay inuu furka tuurto.

Waxay dhawaan dalacsiiyeen saraakiil uu xilka ka qaaday kadib markii ay muwaadiniin Soomaaliyeed ka hor istaageyn inay safraan, waxayna gacanta kula jiraan maamulka dhaqaalaha Dowladda, waxayna weli isku dhajinayaan maamulka Amniga.

Isagoo arrimahaas oo dhan ka aamusay Rooble ayey mar kale warqad uga hor istaageen wada-hadaladii uu muddooyinkii lasoo dhaafay kula jiray dowladda Kenya, waxaana muuqata inuu Rooble ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayey kooxdaan fursadda u siisay inuu dalka Ra’iisul Wasaare ka noqdo.

Haddaba, inta aan la arkin halka uu ku dhammaado dagaalka labada nin, waxaan dib u eegeynaa lix arrimood oo uu Farmaajo ku guuldareystay balse uu Rooble ku qabtay 10 bil gudahood.

1- Maamul Goboleedyada: Farmaajo wuxuu awoodi waayey inuu isku keeno shanta maamul Goboleed, waxayna diideyn inay la fadhiistaan oo arrinta doorashada kala heshiiyaan, waxaana arrintooda la wareegay Ra’iisul Wasaare Rooble, waana aqbaleyn, wuxuuna dhowr jeer isugu geenay magaalada Muqdisho.

2- Doorashada: Farmaajo waxaa looga fadhiyey inuu doorasho qabto inta aanan la gaarin 8-da February 2021 ama uu xataa bilaabo, wuxuu isku dhajiyey maamulkii doorashada waana bilaabi waayey, Rooble ayaa qaatay hoggaankii doorashada horraantii Bishii May, wuxuuna ku guuleystay inuu doorashadii bilaabo dhammaadkii July.

3- Mucaaradka: Farmaajo wuxuu ku guul dareystay inuu mucaaradka ku qanciyo hanaanka doorashada, laba jeer oo uu casuumayna waa ay diideyn inay la kulmaan, wuxuu isku dayey inuu awood ku maquuniyo, laakiin iyada xataa waa suurta geli weysay.

Rooble ayaa u ruqaansaday arrinta mucaaradka, wuxuu abuuray jawi xasiloon oo siyaasadeed, wuxuu sababay inay marar badan kulmaan mucaaradka iyo xukuumadda, wuxuuna ku qanciyey heshiisyada doorashada iyo hannaanka uu wax u rabo waana ka aqbaleyn mucaaradka.

4- Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ah: Xiriirka beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay, gaar ahaan18-kii bilood ee ugu dambeysay.

Wakiilada Caalamiga ah iyo Farmaajo ayaa si weyn u kala fogaaday. Reer Galbeedka iyo Farmaajo oo meel xun kala marayo Rooble ayaa badbaadiyey cilaaqaadkaas. Hadda wakiilada beesha Caalamka wax wada-shaqeyn ah lama lahan Farmaajo.

Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kulamo badan ka sheegay inay si weyn uga gacan siinayaan qabashada doorasho loo wada dhan yahay oo natiijadeeda la wada aqbalo,.

5- Muqdisho iyo Dagaal: Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka badbaadiyo dagaal, wuxuu soo geliyey kumanaan ciidan ah oo u gobolada diyaarado uga soo qaaday si ay ula diriraan dhinacyadii kasoo horjeeday.

Taariikhdiisa ayaa qeyb madow lagu daray markii uu xabad ka dhex bilaabay Caasimadda 25-kii April ee sanadkaan, wax xeelad ah oo magaalada looga badbaadiyo dagaal waa keeni waayey Farmaajo, waxaase 48-saac ku badbaadiyey Caasimadda Ra’isulwasaare Rooble oo kala qaaday ciidamadii Farmaajo iyo kuwii kasoo horjeeday.

6- Xiriirka Arrimaha Debadda: Farmaajo wuxuu Soomaaliya ka dhigay dal cid walba cadow la ah, wuxuu dowladdii iyo dalkii usoo reebay cilaaqaadka dalalka Qadar, Itoobiya iyo Eritrea, laakiin Rooble ayaa 10-bilood wada-hadal kula furay wadamada Kenya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta oo uu dhammaan Farmaajo kula diriray danihiisa gaarka ah.

Rooble wuxuu wada-hadal lasoo galay Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu Muqdisho ku casuumay wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka si xiisadda loo xaliyo, wuxuuna ku guuleystay inuu dib u furo Safaaraddii ay Kenya ku laheyd Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale Mombasa kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo kooxda ku hareereysan waxaa dharbaaxo ku ah in siyaasi dhawaan gal ah uu 10-bilood ku xaliyo lixdaas kiis ee muhiimka u ah dalka iyo dowladnimada, weliba dhammaan dhibaatooyinkaan waa kuwa ay iyaga abuureen.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid