Masar oo aad uga walaacsan qorshe ay wadaan Turkey iyo Itoobiya oo la doonayo in…

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Turkiga ka dalbatay inay ka iibsato diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, ee loo yaqaano Biraktar TB2, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana akhbaartaan la helayaa iyadoo dowladda Turkigu ay muddooyinkaan diyaaradeheeda casriga ah ay ka iibisay dhowr dal oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta arrintaan sida dhow ula socta ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheyneyso inay soo iibsato diyaaradaha nooca Drone-ka ee ay Turkiga farsameeyeen, wax faahfaahin ahna laga bixin qorshaha ay Itoobiya ku soo iibsanayso diyaaradahaan.

Heshiiska ayaa waxaa sida la sheegay qeyb ka ah bixinta qalabka dayactirka iyo in Itoobiya loo tababaro shaqaale, inkastoo ilo -wareedyadu aysan wax badan ka sheegin tirada diyaaradaha ay Itoobiya doonayso inay ka iibsato Turkiga.

Marka loo eego xogta ka soo baxday Shirka Ganacsatada Dhoofinta Turkiga, Itoobiya ayaa qalabka difaaca cirka waxay Turkiga ka soo dhoofsatay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, taas oo gaartay $203,000 illaa $51 milyan.

Warbixinta Reuters waxay daaha ka rogtay in qorshaha Itoobiya ay Turkiga uga iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay aad uga carootay dowladda Masar.

Laba ka mid ah sarkaasha gaashaandhigga Masar ayaa u sheegay Reuters in Masar ay ugu baaqday Midowga Yurub iyo Mareykanka inay soo faro-geliyaan si looga hortago heshiis kasta oo suuragal ah in Itoobiya iyo Turkiga ay ka gaaraan arrimaha gaashaandhiga, walaaca ugu weyn Masar waxaa ku haya muranka biyo xireenka wabiga Nile ee kala dhexeeya Itoobiya.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladda Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Warbixintan waxaa lagu xusay in dowladda Morocco ay heshay qeybtii koowaad ee diyaaradahaan, kuwaas oo ay dalbatay bishii May ee sanadkii 2020. Itoobiya, Morocco iyo Turkiga ayaan dhankooda ka hadlin qorshahan, balse Reuters ayaa sheegtay in codsi faahfaahin ah oo ay u diratay aysan wax jawaab ah ka soo bixin.

Sidoo kale waxaa hadda aad u liita xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Masar, sarkaal ka tirsan dowladda Masar ayaa Reuters u sheegay in Turkiga looga baahan yahay inay la tashadaan Masar ka hor inta uusan heshiis la gaarin Itoobiya.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Biractar TB 2 ayaa ah mid heerkeedu sareeyo, kana tayo badan kuwa laga soo saaro dalal badan oo caalamka ah, waxaa diyaaradaan soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayso 24 diyaaradood waxay la gashay Turkiga, wasiirka gaashaandhigga Poland ayaa u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 oo ka howlgasha dalkaas in diyaaradahaan ay muujiyeen ‘kartidooda dagaalka.’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu sameeyo. Diyaaradaan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada, waxayna ka howlgeli kartaa masaafo dhan ilaa 300 oo KM.