Shan qof oo caawa ku geeriyootay Hargeysa iyo dhaawacyada 8-kale (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5-qof ayaa ku geeriyootay 8 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen

Agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo Taliyaha heeganka ciidanka booliska Somaliland.

Taliyaha oo banaanka isbitaalka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in laba gaari oo kala ah Noha iyo Dheyne ay isku dhaceen, isla markaana shan qof ay goobta ku geeriyoodeen.

Sidoo kale dhaawacyada sideed qof oo kale ayuu xaqiijiyey taliyuhu in la dhigay isbitaalka, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in shilkaan oo ka dhacay gudaha magaalada ay gurmad deg deg ah u fidiyeen dadkii uu khasaaruhu ka soo gaaray, isla markaana haatan dhaawacyada lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Hoos ka daawo