Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka soo qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, isla-markaana aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Al-Shabaab ayaa dhica kale guullo ka sheegatay weerarkan, waxaana ay shaacisay inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland, ayna isaga baxeen saldhigga la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland.