Sawirro: Ergada Soomaaliya ku matalayay kiiska badda oo si weyn loo maamuusay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Rooble ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Maxkamadda ICJ ayaa Talaadadii guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda 75% dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya.