Masar oo ciidamo gaynaysa Libya iyo xaaladda oo weji cusub yeelatay (Warbixin)

Tripoli (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in ciidanka qalabka sida ee Masar ay ku sii jeedaan xuduudda Libya, iyagoo la socda xoogagga ay Masar taageerto ee Khalifa Xaftar, kuwaas oo guul-darrooyin kala kulmaya ciidanka dowladda Libya oo gacan ka helaya Turkiga.

Waxay u muuqataa in Masar ay u baahan doonto inay faro-gelin ku sameyso Libya, si ay caawimaad uga geysato dib u dhaca ku yimid ciidanka Khaliifa Xaftar.

Iyadoo bilooyin ka hor ciidanka Xaftar ay ku dhowaayeen in ay qabsadaan magaaladda Tripoli, hadda diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, maraakiibta, iyo qalabka dagaalka oo ay la socdaan kumanaan calooshood u shaqayteyaasha Siiriyaan ah ayaa dib u riixay maleeshiyada Xaftar

Hoggaamiyahooda Khaliifa Hafter waxaa uu aaday Masar si uu todobaadkii hore dhamaadkiisa ula kulmo Madaxweyne Cabdul Fitaax Al-Sisi. Sisi waxaa uu yiri waa in xabad joojin laga sameeyaa Liibiya.

Warbaahinta Al-Ahram ee Masar iyo Al-Cayn ee gacanka Khaliijka ayaa u ololeynaya xabad-joojinta. Laakiin xukuumadda Qaahira waxay qarineysay in ay ciidankeeda u direyso Libya, sidii uu Turkigu sameeyayba.

Masar waxay leedahay ciidan awood badan, laakiin waxaa ay ka dagaalamayaan gobolka Siinaay, welina dal shisheeye ciidan uguma dirin howlgal weyn muddo tobonaan sano ah. Ma cadda sida ciidanka Masar ay uga shaqayn doonaan saxaraha Libya.

Masar waxay horay u muujisay in ay xuduudda amni ka dhigeeyso si ay ula dagaalanto mintidiinta jooga Libya. Sanado ka hor, Masar waxay sheegtay in kumanaan argagixiso ah ay isku deyayaan in ay kasoo gudbaan Libya. Xaftarr ayaa ahaa jawaabta ay Masar u hayso colaadda.

Isagoo taageero ka helaya, Imaaraadka Carabta, Russia iyo kuwo kale, ayaa Khalifa Xaftar waxaa uu qabsaday inta badan dalka Libya sanadihii u dambeeyay. Laakiin Turkiga ayaa quursaday Masar, isla markaana dhiiri geliyay ciidanka Libya si ay u sugaan qorshahooda tamarta.

Hadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo khubaro ayaa caawinaya ciidanka dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya

Dagaalka weyn waxaa uu ka dhici doonaa Sirte iyo garoonka ciidanka cirka ee Jufra. Dagaaladda xowliga ku socda ee Libya waxayna soo xasuusinayaan ololihii saxaraha ee 1940-aadkii uu Jeneralkii reer Germany Erwin Rommel kula dagaalamay ciidankii Britain.

Bariga Dhexe oo dhan naqaska ayaa ku dhegan – iyadoo taangiyadda Masar ay sugayaan in la dejiyo si loo ogaado in ciidankkeda dhulku ay damaanad qaadi karaan xabad joojinta ay dooneyso Qaahira.