Masar ‘oo dooneysa inay ciidamo keento’ Soomaaliya iyo qorshaha laga leeyahay

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dooneysa inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee ATMIS, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in arrintan lagu soo qaaday wadahadalladii Qaahira ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar Abdelfatah al-Sisi, dhammaadkii bishii July.

“Intii lagu guda jiray wada-hadallada, Sisi ayaa ku celceliyey inuu doonayo in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Ma cadda waxa madaxweyne Xasan Sheekh ku jawaabay iyo haddii arrintaas dib loo sii ambaqaaday kadib kulankii Qaahira.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, waxay sheegeen inaysan arrintan ogeyn.

Haddii Masar ay qeyb ka noqoto howlgalka ATMIS waxay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka iyo tan Afrika, waxayna noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee waqooyiga Afrika ah ee kusoo biira howlgalka ATMIS ee horey loogu yaqiin AMISOM.

Si kastaba, ATMIS ayaa sababaha loo sameeyey waxaa ka mid ahaa inay muddo kooban gudaheed howlgalka amni ee dalka ugu wareejiso dowlada federaalka, mana muuqato sabab Midowga Afrika ciidamo horleh u keeno Soomaaliya, xilli kuwa kale laga sii saarayo.

Arrintan ayaa sidoo kale soo jiidaneysa indhaha dowladda Itoobiya oo xiisad ay kala dhaxeyso Masar, taasi oo salka ku haysa biyo-xireenka webiga Nile, sidoo kalena aanay isku fiicneyn dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

“Ciidamo Masar ah oo yimaada Soomaaliya waxay Itoobiya u tahay khad cas oo aan laga gudbin karin,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska Africa Intelligence. 

Aragtida Addis-Ababa ayaa ah, in isu soo dhowaanshaha Qaahira iyo Muqdisho ay halis toos ah ku tahay Itoobiya.