MASAR oo ku dhowaaqday taageero cusub oo Somalia ah kadib go’aankii QM

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka taageerayso dhanka amniga kadib qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu meesha uga saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd sanadaha badan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in arrintaan ay muujinayso horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo raadinta xasilloonida.

Waxay ku dhowaaqday in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada dowladda federaalka ee ay ku dooneyso xaqiijinta amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn faa’iido leh ku yeelato ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“Masar waxay kamid aheyd waddamada ansixiyay qaraarka Golaha Ammaanka ee meesha looga saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1992-kii.”

Hadalka Masar ayaa imanaya xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay jiraan dalal saaxiib la ah Soomaaliya, oo diyaar u ah inay dalkeenna ku taageeraan hub, kadib qaraarkii QM.

1-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cuna-qabateyntaas.

Go’aankaan ayaa waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada dowladda federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasillinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Si kastaba, Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.