Maxaa ka jira in haweeney 75 jir ah aano qabiil loogu dilay magaalada Laascaanood?

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dhacdo hadal hayn dhalisay oo ku saabsan dil loo geystay haweeney da’ ah oo la sheegay in loo adeegsaday Midi.

Dhacdadaan ayaa horseedday muran ku saabsan in haweeneyda loo dilay aano qabiil, sida dadka qaar ay ku qoreen baraha bulshada, halka kuwa kalena ay sheegayaan in dilkaas uusan salka ku heyn aano qabiil.

Qaar ka mid ah ehelka haweeneyda la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu ka xanuunsanaa dhimirka, iyagoo beeniyey hadalladii lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in aano qabiil loo dilay haweeneydaas aheyd 75 sano jir.

Cilmi Baashe oo Ayeeyo ay u aheyd haweeneyda dhimatay ayaa BBC u sheegay inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka soo gaaray markii ninka xanuunsan uu tooreyda ku dhuftay haweeneyda.

Waxa uu sheegay in dhacada xanuunka badan ay ka dhacday magaalada Laascaanood, gaar ahaan guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami, dilkana uu geystay walaalkii oo sannadkii 1998-dii ka xanuunsaday dhimirka.

“Wiil aniga ila dhaashay oo waalnaa muddana ku xirnaa xarun dadka aan miyirka qabin lagu hayo oo ku taalla Laascaanood oo la yirahdo Manhal ayaa mindi meel taalay soo qaatay oo uu ku dhuftay, Marka qadartan ayaa dhacay,” ayuu yiri Cilmi.

Wuxuu sheegay in tooreyda uu uga dhuftay garabka, kadibna ay ku dhimatay isla goobta, kadib markii ay dhiig baxday.

“Markii ay dhacday ayaanu ku soo orodnay goobta, kadib ninkii waalnaa ee walaalkay ahaa ayaanu gacanta ku dhignay oo xirnay. Hadda xabsiga ayuu ku jiraa. Waxaan qorsheyneynay in aan dib ugu celino xaruntii lagu heyn jiray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cilmi.

Xarunta Manhal oo ahayd meel lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan ayuu sheegay inay shaqadii joojisay markii ay bilowdeen dagaaladii Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood, maadaama dhismihii xarunta uu ku burburay madaafiic ku soo dhacday.