Masjid ku yaalla Faransiiska oo weerar lagu qaaday

Paris (Caasimada Online) – Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay.

Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey nin 84 jir ah, qiyaastii 3:15 pm, waxaana uu masjidka rasaasta ku furay xilli ay dadka dukanayeen salaadda casar.

Labada qof ee weerarka lagu dhaawacay ayaa ahaa laba qof oo waayeel ah, kuwaasi oo loola cararay isbitalka magaalada Bayonne, waxaana la sheegay in dhaawacooda uu halis yahay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu xiriir la leeyahay kooxaha midigta-fog ee neceb muslimiinta iyo soo-galootiga.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com