Xog: Xildhibaano ka tirsan UPD iyo Fahad Yaasin Xaaji oo ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa kulan magaalada Muqdisho ku dhex-maray xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, iyo agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasin.

Xildhibaanada la kulmay Fahad, ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda Galmudug, kana tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hoggaaminayey Cabdiraxmaan Odowaa oo ah musharaxa madaxweynaha Galmudug..

Kulankan, ayaa sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka qeyb-galay, waxaa looga hadlay arrimaha Galmudug, iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa, xilli ay jirto cabsi laga qabo in isku dhacyo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna ay ka dhacaan Dhuusomareeb.

Fahad oo kulanka ugu yeeray xildhibaanada ayaa u sheegay inuusan dooneyn in Galmudug ay ka dhacaan rabshado dhiig uu ku data, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa.

Xildhibaanada qaar ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlay sidii dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug ay heshiis siyaasadeed uga gaari lahaayeen arrinta Galmudud oo caqabad weyn ku noqotay dowladda.

Si kastaba, xildhibaanada ayaa sheegay inay ballan-qaadeen inay ka shaqeeyaan amniga iyo in laga hortago dhibaato ka dhacda Galmudug, hase yeeshee waxay diideen inay heshiis siyaasadeed ka galaan Galmudug, islamarkaana ay doonayaan in doorasho lagu kala baxo.

Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ee ka qeyb-galay kulanka ayaa xaqiijiyey inaysan jirin wararka sheegaya in kulanka looga hadlay sidii xisbiga UPD u ogolaan lahaa in muddo laba sano ah xilka loogu kordhiyo madaxweyne Farmaajo.

“Marnaba muddo kororsi iyo wax ka saabsan hoggaanka dalka loogama hadal kulanka. Wuxuu ahaa kulan 100% diiradda lagu saaray arrimaha Galmudug.” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caaismada@live.com