Maskaxdaada oo la keydinayo ka dibna Computer looga shaqeysiin doono, balse waa inaad dhimato!

California (Caasimada Online) – Shirkad uu fadhigeedu yahay magaalada California ee dalka Mareykanka laguna magacaabo Nectome ayaa waxay daaha ka qaaday inay sameyneyso tijaabo qariib ah, taasoo lagu keydinayo xasuusta iyo macluumaadka ku jira maskaxda qofka.

Shirkaddaan ayaa soo bandhigtay caddeyn la xiriirta in Maskaxda aadanuhu aysan xusuusta lumin marka ay dadku dhintaan, sidaas darteed waxay diyaar u tahay inay keydiso xasuusta qof walba, ka dibna ay mustaqnalka u bedesho mid computer-ka ku shaqeysa.

Maamulka shirkadda Nectome ayaa daaha ka qaaday in aysan haatan diyaarsaneyn tiknoolajiyaddii looga shaqeysiin lahaa keydka maskaxda ee aadanaha, balse mustaqbalka marka la helo tiknoolajiyaddaan sida uu qorshuhu yahay ay suurtogelin doonaan.

Yoolkoodu wuxuu yahay inay baaritaan ku sameeyaan xubinta Connectome ee maskaxda aadanaha – taasoo muhiim u ah isku xirka maskaxda, deedna ay dib uga shaqeysiiyaan xasuusta maskaxda shaqsiga muddo dheer ka dib marka uu qofku dhinto.

Inkastoo sannado badan loo jiro in la helo tiknoolajiyadda suurtogelineysa, hadana shirkadda Nectome ayaa haatan diyaar u ah inay qaado tallaabada ugu horreysa ee lagu xafidayo xasuusta maskaxda qofka si mustaqbalka looga faa’iideysto.

Robert McIntyrehe oo wax ka aasaasay shirkaddaan ayaa aaminsan inuu qorshahaani boqolkiiba 100 muhiim u yahay macaamiishooda, maadaama mustaqbalka laga faa’iideysan karo cilmigii ay xambaarsanaayeen dadkii dhintay iyadoo la isticmaalayo barnaamijyo tiknoolajiyadda salka ku haya oo aan weli diyaar aheyn.

Inkastoo shirkadda Nectome ay muran dhaxda ka gashay, hadana macaamiishooda ayaa weli albaabada taagan kuwaasoo diyaar u ah inay bixiyaan qiimo ka badan 10 kun oo dollars si xasuustooda loogu keydiyo.

Nectome oo durba qorshaan ku tijaabisay 25 shaqsi, ayaa haatan lagu soo oogay dacwad la xiriirta adeeggooda muranka dhaliyey.

Dhanka kale, Ken Hayworth oo ah madaxweynaha hayadda Brain Preservation Foundation ayaa yiri: “Waan taageersanahay qorshaha Nectome, maxaa yeelay marka uu qofku dhinto maskaxdiisu waa ay damaysaa sida computer-ka marka la demiyo oo kale. Laakiin taasi lama micno ahan inaan la heli karin macluumaadka ku jira”.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka xambaarsan sharraxaad dheeri ah.

Caasimada Online

Xafiiska California

Caasimada@live.com