Xog cusub: RW Kheyre & Shariif Xasan oo Heshiisyo wada jira la galay Xildhibaanada Mooshinka wada

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa kasoo jeestay xaalada Mooshin abuurka oo maalmahaani ay ku howlanaayen.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari u adeegsanaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay in arrinta Mooshinkaani aawgii uu magaalada Muqdisho uga yeeray Shariif Xasan oo isagu uu ku jiro damac dhanka xilka Guddoomiyenimo, waxaana saacadaha aan ku guda jirno lagu wadaa in Shariif oo ka farxashay Mooshinka uu dib ugu laabto magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ku sugan muddo ku dhow Shan cisho, waxa ayna Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka xaqiijiyeen in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu wada kulmiyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa ka danbeeyay go’aanka ay Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Guddoomiye Jawaari uga dalbadeen Iscasilaada.

Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in Shariif Xasan uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka isagoo ka dalbaday in garab lagu siiyo Casilaada Guddoomiye Jawaari.

Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada la kulmay ilaa Afar jeer, waxaana lasoo sheegayaa inay u ballanqaaden ka dhabeynta casilaada Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka maqnaado muddo laba cisho oo kaliya, isagoo wixii intaa ka danbeeya dib u dhameystiri doona howlaha Mooshinka Jawaari ee qabyada u ah.

Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu Shariif Xasan kawado magaalada Muqdisho, ayaa u muuqaneysa mid isaga iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay ku doonayaan inay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigaan Guddoomiye Jawaari.

Geesta kale, Jawaari ayaa sidaan oo kale horay uga badbaaday Mooshin uu soo abaabulay Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, waxaana iminka la ogeyn halka uu ku danbeyn doono Mooshinkaan ay isla wadaan Kheyre iyo Shariif Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com