Mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa dil qorsheysan oo ay maanta rag hubeysan ka geysteen xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay Marxuum Cali Shanlow Cali oo ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online inay dilka fuliyeen kooxo hubeysan oo watay bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib toogashada marxuumka.

Cali Shanlow ayaa lagu soo warramayaa in xilliga la dilayey uu isku diyaarinayay inuu kormeer ku sameeyo imtixaanka shahaadiga ee maanta billowday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saartay dilka marxuumka, waxayna tacsi u diray ehelladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay aad uga xun tahay falkaasi, iyada oo ku baaqday in baaris deg deg ah lagu sameeyo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shaab oo ku sugan deegaano hoos yimaada magaaladaasi.