Mas’uul ka tirsan shirkad ka mid ah kuwa ugu weyn oo Muqdisho lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay weerar ku qaaden mas’uul ka tirsan maamulka Shirkada Amal.

Mas’uulkan ayaa xiliga la weeraraayay ku sugnaa afafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha kuwaasi oo dhaawac culus u geestay.

Mas’uulka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Al-waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi.

Weerarka ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro oo rasaas la dhacday C/qaadir xilli uu ka soo baxay xarunta, kadibna halkaasi laga qaaday isaga oo dhaawaciisa uu culus yahay.

Waxaa lagu wareersan yahay ilaa hadda cida ay ka tirsan yihiin iyo sababta ninkan ay u beegsadeen Kooxdaas.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta shirkadda Amal ayaa dhankooda ka sheegay inaanu garaneynin sababta loo beegsaday C/qaadir balse ay dib warbaahinta uga faah faahin doonaan sida ay wax u dhaceen.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka lagu dhaawacay mas’uulkaasi, ayaa kusoo beegmaya xili 15-kii bishan xilli habeen ah qarax gaari gacan loo adeegsaday lagu weeraray meel ku dhaw shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha, kaasi oo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com