Xaaf oo xil ku magacaabay digreeto xilli ay xaaladda GAL-MUDUG qasan tahay

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu Maamul Cusub ugu sameeyey degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanbale  ayaa waxaa  loogu Magacaabey Jaamac Xeyle Maxamed oo mar soo noqday Guddoomiyaha degmadaas,halka ku xigeen loo  Magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane.

Wareegtadan oo ku taariikheysan 15/9/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulkaan ay xilka siiheyn doonaan inta laga soo dhisayo Golle deegaan iyo Guddoon ku dhisan doorasho xor ah.

Marka laga soo tago Magacaabistaan ayaa waxaa xildhibaano maalin ka hor ku shiray Cadaado waxa ay shegeen inay xilkii ka qaadeen Axmed ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale xildhibaano ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa mooshin xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir ee dhankiisa isna Xaaf xilka  ka qaaday.

Xaaladda Galmudug ayaa ah mid xaalkeedu yahay Allow sahal waxaana muuqato inuu maamulkaas ku socdo jidka burburka iyadoo ay weli arrintaas ka jiifaan odayaashii iyo dhibaanadii horey usoo dhisay maamulkaas.

Haddii ay xaaladda sidaan kusii socoto Galmudug ayaa maalmaha soo socdo yeelan doonto  laba madaxweyne, laba madaxweyne ku xigeyn iyo laba guddoomiye Baarlamaanka oo ay kala duwanaan doonaan ku xigeenadooda!!.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com