Xildhibaanada Galmudug oo ku dhawaaqay xil ka qaadista mas’uul kale 

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka dhacay kulan ay isugu yimaaden Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Xildhibaanada oo aad u badnaa ayaa kulankooda uga dooday Mooshin mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Maamulkaas Xareed Cali Xareed.

Xildhibaanada ayaa Mooshinkooda ku sheegay inuu yahay mid ay gudbiyeen maalin ka hor, waxaana markii uu kulanka furmay waxyaabaha ay ku eedeeyeen Gudoomiye ku xigeenka halkaa ka aqriyay Maxamed C/llaahi Guuleed oo ka tirsan Xildhibaanada.

Akhrinta eedeymaha kadib ayey Xildhibaanada u guda galeen codeynta Mooshinka oo aheyd mid ku soctay si habsami leh.

Codeynta kadib ayaa waxaa natiijada halkaa uga dhawaaqay Gudoomiye Cali Gacal Casir.

Waxa uu guddoomiye Cali Gacal Casir halkaa ka sheegay in kulanka Xildhibaanada ay fadhiyeen 48 mudane kuwaas oo ogolaaday xilka qaadista Xareed Cali Xareed, sida uu goobta ka sheegay.

Sidoo kale, Casir waxa uu goobta kaga dhawaaqay inaanu jirin cid diiday ama ka aamustay codeynta waxa uuna cod dheer ku sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Maamulkaas Xareed Cali Xareed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka madaxda maamulka waxaana horay loo sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha baarlamaanka, Madaxweynaha, waxaana iminka xigay in xil ka qaadis lagu sameeyay Ku-xigeenka koowaad ee Guddoomiyaha baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com