Xildhibaan CAASHA KOOS: “Amnigeena ayaan ciidanka jidadka jooga uga baqnaa”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 2-aad, Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga.

Xildhibaanada ayaa waxaa dhex maray dood aad u kulul iyadoo inta badan ay ka hor imaadeyn siyaasadda ay dowladda Soomaaliya u  dajisay sugidda Amniga.

Xildhibaano yar ayaa taageeray dowladda Soomaaliya waxayna arrinta Amniga ku tilmaameyn inay tahay mid aan si gaar ah u loogu eedeyn karin Dowladda Dhexe balse ay tahay mid good oo xataa Xildhibaanada laga rabo inay qoryaha qaataan.

Xildhibaanad Caasho Koos oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay amniga Magaalada Mudqdisho.

Xildhibaanad Caasha oo ka mid aheyd Xildhibaannada ka qeybqaatay doodda amniga Muqdisho ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegtay in Xildhibaannada ay Aqoonsigooda kala baqaan Askarta qaar.

Waxaa ay tiri “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa”.

Hadalkaan ayaa noqday mid dood badan ka dhalatay waxayna qabsatay baraha Bulshada gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com