Sawirro: Geelle oo Jeddah gaaray (Maxaa Sacuudiga uga qorsheysan GEESKA?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya gaaray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib casuumaad uu ka helay boqorka dalkaas.

Madaxweyne Geelle, ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jeddah uga hortagay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga iyo xubno kale.

Madaxweyne Geelle, ayaa marka la geeyay qasriga dalkaasi kulan saacado qaatay la yeeshay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdul casiis oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga, nabad ku soo dabaalida Gobolka, dib usoo nooleynta xiriirka kala dhexeeya Eriterea ,iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Socdaalka Madaxweyne Geealle ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Eriterea iyo Ethiopia ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaas oo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta dalalka Gobolka, sida Eriterea iyo Ethiopia, iyo sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti.

Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdul casiis, ayaa la filayaa inuu kulansiiyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada Jeddah iyo Madaxweynaha Jabuuti oo halkaasi u gaaray la kulanka Afwerki.

Sidoo kale, Dowlada Somalia oo laheyd kaalinta heshiisiinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti ayaa u muuqaneysa in laga saaray liiska wadamada dhex dhexaadinta ka dhexwada labada dal, waxaana dusha saartay Sacuudiga.