Mas’uul Somaliland ka tirsan : “18-ka May uma naqaanno maalin qaran”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Dhakool oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay xuska Somaliland ee 18-May, isagoona si adag uga hor-yimid xaaladii deg-dega aheyd ee Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhakool ayaa sheegay in aanu aaminsanayn in 18-May oo sannad kasta laga xuso deegaanada Somaliland ay tahay maalin qaran oo bulshada Somaliland ay wada leedahay.

Xildhibaan Dhakool oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sool, ayaa waxa uu sheegay in xuskaasi uu yahay mid ku saleysan beel gaar ah, wuxuuna yiri “18-ka May waa Maalin Beesha SNM ay calaamadsatay oo ay u dabbaal-degayso, welina Beelaha Darafyadu maalin madow bay u yaqaanan”.

“Midnimadii lala galay Soomaaliya ayaa Beesha SNM Xanuun ka qaadday, Xanuunkaasi ayaa kelifaya inay ka guuraan 1960-kii, Maalin ay Carruurta iyo Dumarka soo saaraana ay samaystaan, markaa waa Maalin reerkaasi leeyahay 18-ka May, markaa uma naqaano Maalin Qaran”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Gobolka Sanaag oo awalba sii dhutinayey oo kala laalaaday uma baahnayn, munaasibna kuma ahayn in la yiraahdo Xero Milletari ayaa laga dhigayaa, marka Laascaanood la yiraahdo waa Xero Milletari oo wixii Rasaas iyo Tuute ah la geeyo, tanna la geeyo (Sanaag), maxaa soo hadhaya”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com