Xisbiga Waddani oo dhigay dibad-bax ka dhan ka ah xariga Maxamed Sidiiq

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dhallinyarada Taageera Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta magaalada Hargeysa ka dhigay dibad-bax balaadhan.

Isku soo baxan ay dhigayeen dhalinyarada Waddani ayaa waxay ku dalbanayeen in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi, Maxamed Sidiiq Dhamme oo muddo 9 maalmood ah u xiran Xukuumada Muuse Biixi.

Dhalinyarada dhigeysay dibad-baxa ayaa waxay wateen Boodhadh ay ku qoran-yihiin Ereyo ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin xariga Guddoomiye Dhamme, iyagoona cod-dheer ku sheegay in xariga Guddoomiyahoodu aan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Xoghayaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga Waddani, Cabdifataax Jaambiir oo warbaahinta kula hadlayey xafiiska xisbiga ee Hargeysa markuu soo idlaaday dibad-baxaasi, ayaa waxa uu yiri

“Dhalinyaro ahaan waanu ka xunnahay xariga Guddoomiye Maxamed Sidiiq, Maxamed Sidiiq oo keliya ma xirna ee Xisbigii Waddani baa xiran. Waxkasta waanu samayn karayney maanta, laakiin waa Bil Ramadaan, markaa waxaanu u tudhaynaa Bisha Ramadaan iyo Ummadda”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dulmiga maanta taagani waa kii dhallinyaradii UFO ka dhiidhiday ee ay ka dagaalameen ee Heeryadii dulmiga iska rogeen. Dhallinyarada Xisbiga Waddani waxaan farayaa inaynu iska rogno Heeryada Dulmiga oo aynu diidno Car Juuq dheh”.

Mid kamid ah Garabka dhallinyarada xisbiga Waddani, oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa wuxuu yiri “Hadduu Maxamed Sidiiq uu si deg-degga ah u heli waayo Xorriyaddiisa, waxaanu qaadi doonaa Tallaabadii UFFO qaadday”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com